الأحد، 10 أبريل 2016

Dib u dhac ku yimid furmashada Kalfadhigii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Somaliya

Waxaa dib u dhac uu ku yimid furmashada Kalfadhigii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Somaliya oo maanta lagu madalsanaa inuu si rasmi ah kaga furmo Magaalada Muqdisho.


Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa ku sii xaadiray xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo qorshaha uu ahaa in Madaxweynaha Somaliya uu furo Kalfadhiga.
Goor dhaweyd ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo tagay xarunta Golaha shacabka wuxuu ku wargeliyay Xildhibaanada in Kalfadhiga maanta uusan furmeyn.

Guddoomiye Jawaari ayaa Xildhibaanada u sheegay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sida Dastuurka uu qabo furi lahaa Kalfadhigii 8-aad ee Baarlamaanka Somaliya uu mashquulsan yahay.
Jawaari wuxuu ku soo koobay hadalka Madaxweynaha inuu ku mashquulsan yahay arimo qaran, sidaasi awgeedna maalinta berito ah la furi doono Kalfadhiga Baarlamaanka.
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada wuxuu ka furay Shirka u dhaxeeya Madaxda Somalida iyo Madaxda maamul Goboledyada dalka ka jira.


Shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo Madaxda Maamul Goboledyada oo furmay

Waxaa goor dhaw Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya ka furmay Shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federalka Somaliya iyo Madaxda maamul Goboledyada dalka, sida ay xaqiijisay Wakaalada Wararka Sonna.


Shirkaan ayaa looga hadlayaa arimaha ku aadan Doorashooyin dalka ka dhaca iyo xaqiijinta in Bisha August dalka ay ka dhaceyso Doorasho iyo in kale.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah furay Shirka, waxaana madasha Shirka fadhiya Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada dalka ka jira iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somaliya.
Shirkaan ayaa la sheegay inuu socon doono muddo labo cisho ah, labadaasi cisho ayaa looga hadli doono arimaha Doorashooyinka iyo arimaha ku aadan Aqalka sare iyo Aqalka hoose ee dalka.
Bisha August ee sanadkan waxaa ku eeg Waqtiga Dowladda hada shaqeysa, waxaana aad loogu rajo weyn yahay in dalka ay ka dhacdo Doorasho isbedelna uu ku yimaado dalka.

100 ruux oo ku geeriyootay dalka India

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhimatay halka in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen dab xoogan oo saaka ka kacay goob lagu cibaadeysto oo ku taalla dalka India.

Dabkaan ayaa mar qura hareeyay macbadkaasi oo ku yaalla magaalo xeebeedka Paravur ee gobolka Kerala, kadib markii xaruntaas ku dhacday dhimbil dab ah oo kasoo duushay bulaleyrka loo isticmaalayay dabaaldaga fantasyaha Diimeed ee halkaasi ka socday.
Qarax xoogan oo ka dhashay dabka ayaa aroornimadii hore ee saaka abaare 3-di Subaxnimo laga maqlay goobta macbadka ah oo ay ku sugnaayeen kumanaan ruux.

Dabka ayaa lagu soo waramay in uu si dhaqso ah ugu fiday dhismaha iyo agagaarkiisaba, iyadoo ay dad fara bandanna ku xayirmeen gudaha xaruntaasi.
Maalmihii lasoo dhaafayba waxaa India ka socday fantasyo loogu dabaaldagayay ciidaha dadka heysta diinta Hinduga, hase ahaatee qaar ka mid ah dabaaldegyadaasi ayaa lagu qabtaa meelo aan fasax looga heysanin masuuliyiinta amaanka.
Mid ka mid ah saraakiisha maamulka gobolka Kerala oo la hadlay wakaaladda wararka ee Associated Press(AP) ayaa sheegay in dadka dhintay ay kor u dhaafayaan 90 qof.
Shibu Baby John oo ah Wasiirka shaqaalaha ee maamulka gobolka ay musiibadaan ka dhacday ayaa sheegay in baaritaan lagu sameyn doono isla markaana magdhow la siin doono dadka ay saameysay dhibaatada dhacday.


Madaxda Somalida oo maanta ka shiraya Doorashada sanadkan dhaceysa

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu si rasmi ah kaga furmo Shir ay wada yeelanayaan Madaxda Dowladda Federalka Somaliya iyo Madaxda maamul Goboledyada dalka ka jira.


Shirkaan oo ah kii ugu dambeeyay ee ku aadan arimaha Hiigsiga 2016-ka oo ay yeeshaan Madaxda dalka, ayaa lagu wadaa in lagu go’aamiyo arimaha Doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkan gudihiisa.
Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaa suuragal ah in Shirka uu socdo muddo labo cisho ilaa saddex cisho ah oo madaxda ay isla gorfeyn doonaan qaabka doorashada u dhaceyso iyo sida Xildhibaanada cusub loo soo xuli doono.

Shirkan oo Saxaafadda aanan looga yeerin ayaa noqon doono mid gaar ah oo Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboledyada kaliya ay isku arkaan, si ay isugula meel dhigaan arimaha ku xeeran Doorashada iyo qaabka ay u dhaceyso.
Arimaha ugu waaweyn ee Shirkaan lagu gorfeyn doono ayaa ah qaabka loo soo xulayo Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose, waxaana suuragal ah in caqabado ay ka yimaadaan, maadaama Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada mid waliba uu wato aragti gaar ah.
Puntland ayaa dhawaan laga dhaadhiciyay inay aqbasho in Doorashada dalka ka dhaceysa lagu saleeyo nidaamka 4.5, inkastoo ay jireen Heshiisyo Puntland lala galay oo arintaasi looga saxiixay.
Sababta Saxaafadda looga diiday Shirkaan ayaa ah inaan wax badan laga ogaanin waxyaabaha madaxda ay ka wada hadlayaan iyo caqabadaha suurtagalka ay tahay in Shirka uu ka dhasho.

Galmudug oo sheegtay inay ka war hayso abaabul dagaal oo Shabaab ka wadaan deeganada Galmudug

Maamulka Galmudug, ayaa shaaca ka qaaday inay ka war hayaan dhaq-dhaqaaq ciidan oo Ururka Al Shabaab ay ka wadaan deeganada Maamulka Galmudug, sida uu sheegay Wasiirka Amniga Maamulkaasi.

Cismaan Ciise Nuur “Taardhuleed” Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug, ayaa sheegay inay helayaan macluumaad ku aadan Shabaab inay wadaan abaabul dagaal oo ay ka wadaan deeganada Galmudug, wuxuuna tilmaamay inay ka hortagayaan arintaasi.
Ciidamada Maamulka Galmudug, ayuu sheegay inay ka hortagayaan weerarada iyo abaabulka ay qorsheynayaan Ururka Al Shabaab inay ku qaadaan deeganada Maamulkaasi.
“Nimankani dhaq-­dhaqaaqyada ay wadaan waan la soconnaa, waxaana keenaya awoodda iyo culeyska la saaray, waana la soconnaa meel walbo oo ay is uruursi ka wadaan oo deegaannadeenna ah.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Somaliya ku sugan inay kala hadleen sidii ay uga hortagi lahaayeen, hadii Shabaabka isku dayaan inay isaga gudbaan Xeebaha Gobolka Mudug.
Hadalka Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug, ayaa imaanaya iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Ciidamada Ururka Shabaab dhaq-dhaqaaq ciidan ka wadaan deeganada ku teedsan Xeebaha Gobolka Mudug.
Shalay ayeey aheyd markii Xeebta deeganka Garacad ee Gobolka Mudug lagu arkay, Maraakiib ay ka dul kacayaan Diyaarado Helicopter ah oo gaaf wareegaya aaga Xeebta Garacad.
Al Shabaab ayaa horay ugu fashilmay duulaan qorsheysan oo ay ku qaadeen deeganada Puntland, gaar ahaan kuwa dhaca Xeebta, iyadoo ciidankii Shabaab ee halkaasi weeraray ay noqdeen kuwa la qabtay iyo kuwa la laayay.

Guddoomiye Jawaari “Xildhibaanada ammankooda haka taxadaraan”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa digniin u diray Xubnaha Baarlamaanka Somaliya, xilli maanta oo Axad ah lagu wado inuu furmo Klafadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Somaliya.

Maxamed Sheekh Cismaan ayaa Xildhibaanada  kula dardaarmay inay ka taxadaraan ammaankooda, si aysan u dhicin in la beegsado Xildhibaan Qaran oo shacabkiisa u shaqeynaya.
“Waxaan rabaa arimaha qaarkood inaan ka dar daarano, waa lagama maarmaan inaad u feejignaatan aad uga feejignaataan amniga ilaalintiisa, Raxmad Allaha siiyo dad badan oo Xildhibaano ah iyo dad badan oo Shaqaalaheena ka mid ah iyo ciidamadeena ayaa naga geeriyooday oo dad cadaawad u qaba ama Dowlad diid ah nagu mushkilideeyeen, qolada Guddiga amniga waa ay shireen warbixintiina waa ay iikeenee arimaha go’aanka ay ka gaareen inaad si fiican u hirgelisaan adiga ayeey dan kuu tahay anaga ayeey dan noo tahay inaad isl ilaalisan oo aad feejignaataan waa mid meesha ku jirta.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.

Maalmo ka hor ayeey aheyd Magaalada Muqdisho markii lagu weeraray Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya oo dhaawac loo geystay, iyadoo la dilay labo ka mid ah ilaaladiisa.
Dilalka qorsheysan ayaa siyaabo kala duwan uga dhaca Magaalada Muqdisho, waxaana aad u yar dadka dambiilayaasha ah ee dilalka geysta in gacanta lagu soo dhigo oo Cadaalada si sharci ah loo marsiiyo.
Xildhibaan waliba oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya waxaa ilaalo u ah labo Askari oo Boolis ah, halka qaarkoodna ka badan ay wataan, hadana Xildhibaanada waxaa lala eegtaa dilal qorsheysan oo masuuliyadooda ay sheegtaan Ururka Al Shabaab.

Fadeexad wayn oo ka dhacday Magaalada Muqdisho

Fadeexad wayn, ayaa gil gishay hay’addaha ammaanka ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay soo shaac-baxday inay ku lug leeyihiin weerarkii madaafiicda loo adeegsaday, ee habeenkii Khamiista ka dhacay Caasimadda.
Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Gobolka Banaadir, ayaa waxay siyaabooyin kala duwan gacanta ugu soo dhigeen laba ka mid ah, afartii nin ee sida la sheegay ka dambeysay madaafiicdaasi.

Labadaasi nin, ayaa waxay ka mid noqdeen Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida, waxayna taasi weji gabax wayn ku noqotay Hay’adda Nabad Suggida, maadaama sida la tilmaamo ay ka mid tahay hay’adaha ugu muhiimsan, marka ay noqoto dhinaca nabadgelyada.
Mid ka mid ah ragga la qabtay, ayaa laga soo qabtay Isbitaalka Madiina, xilli uu ku dhaawacmay iska horimaad ay Ciidanka Booliska kula galeen wadada Maka Al Mukarama, markii lagu amray inay gaariga joojiyaan, balse ay rasaas ugala horyimaadeen. Iska horimaadku wuxuu yimid daqiiqado ka dib, markii ay madaafiicda ka tuureen agagaarka Dhismaha Xaaji Baasto, oo kaabiga ku haaya wadadaasi.
Soo qabashada ninka labaad waxay timid, ka dib markii macluumaad laga helay ninka hore, oo gacanta lagu soo dhigay isagoo isu ekeysiinaaya dadkii rayidka ahaa ee ku dhaawacmay madaafiicdaasi, laguna daaweynaayay Isbitaalkaasi Madiina.
Ka hor inta aan gacanta lagu soo dhigin labadaasi nin, ayaa waxay Ciidamada Booliska wadada Maka Al Mukarama ay ku qabteen gaari Caasi/Hoomey ahaa, oo ay la socdeen raggaasi iyo qori hoobiye ah.


Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka, C/kaamil Macalin Shukri oo Jimcihii la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa xaqiijiyay in gaarigaasi dilal kala duwan looga gaystay Magaalada Muqdisho.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Saraakiil ka tirsan Nabad Suggida loo xiray falkaasi, waxaana xilligan su’aalo lagu weydiinayaa xarumaha ay laamaha amnigu ku leeyihiin Caasimadda.
Dhanka kale waxaa marar kala duwan la arkay rag ku labisan dareyska Ciidamada Dowladda, oo madaafiic ka tuuraaya qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo madaafiicdaasina loo tuuraayay dhinaca Madaxtooyada.
Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa waxaa lagu eedeeyaa inay fududeeyaan weerarada, uu Ururka Al Shabaab ka gaysto Magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan inay kordhayaan weerarada Al Shabaab.
Magaalada Muqdisho waxaa ku yaala kontoroolo fara-badan, oo masaafooyin gaaban ka dibna lagu baaro gaadiidka, waxayse dad badani is weydiinayaan sida ay Shabaabku ugu suurta-gasho inay Caasimadda ka gaystaan weeraro loo adeegsado gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Dadka qaarkiise waxay cudurdaar u yeellaan Ciidamada Dowladda, oo aan si joogta ihi u helin mushaaraadkooda, taasoo ay ugu wacan tahay bay leeyihiin in qaarkood, ay weerarada u fududeeyaan Shabaabka.